Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.
Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay labada dhinac dan wadaag ka leeyihiin, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, iyo horumarinta hababka wada-shaqeynta ee dhinacyada la xiriira amniga iyo arrimaha gudaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.










