Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo si wada jir ah u soo saaray amaro horleh oo xagga Nabadgelyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 10, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo si wada jir ah u soo saaray amaro horleh oo xagga Nabadgelyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida, Booliska Soomaaliya  oo shir jaraaid u qabtay  Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigay  in si wanaagsan uu u socda howgalka xaslinta iyo qorshaha  Muqdisho looga aruurunayo hubka sharci daradda in lagu dhexsito.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Taliyaha Ciidanka NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in qorshaha xaslinta caasimaddu uu hada yahay bilow ah uu u socda si wanaagsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa  dhiinaciisa  amray in maglaada Muqdisho aan lagu  arki karin ciidamo wato dareska iyo gadiiidka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Mudane Cabduullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa   cadeeyey in  qorshaha xasilinta caasimudu uusan ahayn mid loogu dan leeyahay koox ama qabiil gaar ah balse uu yahay  mid Muqdisho looga sifaynayo  Al-Shabaab  iyo cid kasto oo hub ku dhex sidata.

Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa  tilmaamay in   mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah,  lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow  Ducaale  ayaa  tilmaamay in qorsha  xasilinta Muqdisho uu yahay go’aan ka so baxay Golaha fulinta Jamhuriyadda Soomaaliya, loogana golleeyhahay in Muqdisho noqoto magaalo Nabad ah.

Magaalada  Muqdisho ayaa waxa inta badan ka dhaqan galay qorshaha xasilinta amniga, taas oo hadii aad marto waddooyinka  uu kuu muuqanayo muqaal wanaagsan oo ka turjumaya  magaalo Nabad ah,  isla markaana aysan indhahaagu qabanayn gawaarida dagaalka iyo Ciidmaadii hubeysnaa ee wadooyinka mari jiray.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In