Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 10, 2017
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii afar iyo tobnaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Baydhabo VS Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Baydhabo VS Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025

Baydhabo

Tartameyaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Yaaqshiid, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Baydhabo ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxa ay iska qaldeen afar su’aal,  waxana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Baydhabo, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Yaaqshiid ay noqotay sideed (8) dhibcood.

Maadaama ay isku dhibco noqdeen tartamayaasha labada degmo ayaa waxaa loo baahday si loo kala saaro in lagu daro su’aalo dheeri ah, waxaana su’aasha koowaad iska lahayd tartamayasha Baydhabo oo ka jawaabay su’aalihii la weydiiyay, balse tii tartamayaasha degmada Yaaqshiid waa ay iska qaldeen mana jirin cid ka faa’iideysatay, waxaan wadarta guud ee ay tartamayaasha Baydhabo ay heleen noqotay 10 dhibcood

Tartamayaasha Degmada  Baydhabo ee gobolka Baay ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa bilaabanaya wareegga labaad ee tartanka kaasi oo ay ku tartami doonaan tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Baledweyne oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Hiiraan.

 

 

Photo by: Mohamed M. Hassan White-ka

 

Previous Post

Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo si wada jir ah u soo saaray amaro horleh oo xagga Nabadgelyada

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay kulan looga hadlayey dib usoo celinta reerihii ku barakay colaadihii Sokeeye ee ………

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay kulan looga hadlayey dib usoo celinta reerihii ku barakay colaadihii Sokeeye ee .........

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In