Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka amniga iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaatay maamulka degmada Balcad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka amniga iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaatay maamulka degmada Balcad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo xubno kale ayaa maanta socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balcad oo uu horkacayo Guddomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug) waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhagaystay maamulka iyo shacabka baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan, gaar ahan tan amniga.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Waxaan indhaheena ku soo aragnay burburka xoogga leh ee haysta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad iyo dhibaatada shacabka ku haysata, waxaana rajeyneynaa in aan dhowaan dayactir lagu sameeyo.”ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo,  isla markaana kaalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar kasta oo ka yimaada maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wafdia Wasiirka Amniga ee Soomaaliya waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah Xildhibaanada  kuwaasi oo sheegay in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmadu qabaan.

Maxamed Amiin Yabarow

Previous Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeerey xafiisyada Hay’adda ee Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In