Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 18, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo kulamo wada tashi ah kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha horumarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maaddaama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaanka, isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.

Previous Post

Wasiirka amniga iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaatay maamulka degmada Balcad “SAWIRRO”

Next Post

Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Next Post
Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In