Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow ee ka socoda Gobolka Bokool ayaa maalmo jirsaday, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey lagu soo waramayo in jab xoogan uu ka soo gaaray kooxihii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Dagaalka oo ay ka qeyb qaateen ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa horseeday in ciidamada maamulkaasi ay la wareegaan dhamaan deegaanadii ay weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadkaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maamulkaasi katirsan.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelay)   ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodi ay haatan gacanta ku hayaan Ammaanka goobihii lagu dagaalamay,Abuu Mansuurna uu weli ku sugan yahay deegaankii uu joogay.

“Sida aan ognahay Mukhtaar Roobey 3 sano ka hor ayuu ka baxay Maleeshiyada Shabaab, kadib markii ay isku qilaafeen arrimo la xiriira in la joojiyo dhibaatooyinka sii kordhaya ee bulshada, intaasi kadib Abuu Mansuur wuxuu soo aaday deegaankii uu ku dhashey, mar hore ayuuna ka baxay Shabaab, hadii uusan ka bixin ma soo weerareen koxda Alshabaab”, Ayuu yiri Wasiirka Amniga K/Galbeed.

Ujeedada ay u ga qeybqaateen dagaalkaasi ayuu ku sheegey in ay tahay, in ay ka soo horjeedaan in maleeshiyada Shabaab ay xoog ku muquuniyaan qofkasta oo nabadda u soo dhawaada, islamarkaana ay ka go’antahay in ay ka hortagaan kooxahaasi.

Ugu dambeyn wasiirka wuxuu sheegey in Mukhtaar Roobow uu leeyahay aqtiyaar,uuna joogo deegaankiisa, maadaama aanu hadda kamid ahayn Alshabaab,  isagoo intaasi ku daray in meel 20 KM  ay kala joogeen ayaga iyo Roobow balse uusan wax dhaq dhaqaaq ah sameynin, balse ay garab siiyeen markii ay arkeen in kooxda Alshabaab ay soo weerareen.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo magaalada Cape Town Lagu soo Dhaweeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Next Post
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In