Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow ee ka socoda Gobolka Bokool ayaa maalmo jirsaday, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey lagu soo waramayo in jab xoogan uu ka soo gaaray kooxihii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Dagaalka oo ay ka qeyb qaateen ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa horseeday in ciidamada maamulkaasi ay la wareegaan dhamaan deegaanadii ay weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadkaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maamulkaasi katirsan.

Related posts

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelay) Β  ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodi ay haatan gacanta ku hayaan Ammaanka goobihii lagu dagaalamay,Abuu Mansuurna uu weli ku sugan yahay deegaankii uu joogay.

β€œSida aan ognahay Mukhtaar Roobey 3 sano ka hor ayuu ka baxay Maleeshiyada Shabaab, kadib markii ay isku qilaafeen arrimo la xiriira in la joojiyo dhibaatooyinka sii kordhaya ee bulshada, intaasi kadib Abuu Mansuur wuxuu soo aaday deegaankii uu ku dhashey, mar hore ayuuna ka baxay Shabaab, hadii uusan ka bixin ma soo weerareen koxda Alshabaab”, Ayuu yiri Wasiirka Amniga K/Galbeed.

Ujeedada ay u ga qeybqaateen dagaalkaasi ayuu ku sheegey in ay tahay, in ay ka soo horjeedaan in maleeshiyada Shabaab ay xoog ku muquuniyaan qofkasta oo nabadda u soo dhawaada, islamarkaana ay ka go’antahay in ay ka hortagaan kooxahaasi.

Ugu dambeyn wasiirka wuxuu sheegey in Mukhtaar Roobow uu leeyahay aqtiyaar,uuna joogo deegaankiisa, maadaama aanu hadda kamid ahayn Alshabaab, Β isagoo intaasi ku daray in meel 20 KMΒ  ay kala joogeen ayaga iyo Roobow balse uusan wax dhaq dhaqaaq ah sameynin, balse ay garab siiyeen markii ay arkeen in kooxda Alshabaab ay soo weerareen.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo magaalada Cape Town Lagu soo Dhaweeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Next Post
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Somali Special Forces Eliminate Seven Al-Shabaab Fighters in Midnight Operation

July 13, 2026
0

The specially trained Danab Commandos of the Somali National Armed Forces conducted a planned operation shortly after midnight in Sablaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In