Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga oo Maanta furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo Maanta furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka saddex bilood laha ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay”adda,waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hay”adda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Daahir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hay’adda ay u qabato Mas’uuliyiinta Laamaha ee Gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen saddexdii bil ee la soo dhaafay,isagoona xusay in Hay”adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka Go”an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow “Ducaale” oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay Shaqalahaa iyo Mas’uuliyiinta Hay”adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo,isagoona Hay”adaha amniga faray iney Hay’adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka, dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hay”adda, dhammestirka dib uu eegista sharciyada  Socdaalka ,Baasaboorka iyo Sameynta Sharciga dhismaha Hayadda.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.

Next Post

Xildibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

Next Post
Xildibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

Xildibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In