Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka China ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka China ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa maanta ku qabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya H.E. Mr. Qin Jian, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Safiirka China ee Soomaaliya Amb.Qin Jian ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga ee China β€œCPC” shirkoodii qaran ee 19,aad ee October qabsoomay lagu go’aamiyay in Xisbiga uu dadaal ku bixiyo nooc cusub oo xiriir caalami ah oo ku dhisan xushmad isdhaafsi, cadaalad iyo iskaashi faaido u leh labada dhinac, isagoo caddeeyay in China ay taageereyso dadaalka Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax banaanideeda qaran, badbaadada dhulkeeda, nabaddeeda, ammaankeeda iyo horumarkeeda, isagoo muujiyay in dowladdiisu danaynayso weji cusub oo xiriir labada dal ay yeeshaan si loo xoojiyo howlaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar xmed ayaa yididiillo ballaaran ka muujiyay in xiriirka Soomaaliya-China uu galo waa cusub oo dana wadaag ah, isagoo boggaagiyay guulaha laga gaaray shirka Qaran ee 19,aad ee Xisbiga Shuuciga ee China β€œCPC”, waxa uuna ka mahadceliyay taageerada China ay u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in mashaariicdii China ee hore uga fulay Soomaaliya ee weli muuqda ay yihiin wax caddeyn ugu filan xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab ay wadaagaan.

Kulankan oo ku dhammaaday jawi guul xambaarsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mr. Shirwa Abdullahi Ibrahim iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Muqdisho.

Β Β Β 

Previous Post

R/wasaare Kheyre β€œSiddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

Next Post

ila 6 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Shabeelada Hoose.

Next Post
ila 6 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad  ka tirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Shabeelada Hoose.

ila 6 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Shabeelada Hoose.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In