Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana uu Wasiirku fursad u siiyey ardayda inay si furan ula wadaagaan waayo-aragnimadooda nololeed iyo waxbarasho, caqabadaha ay wajahaan, iyo himilooyinka ay ka leeyihiin mustaqbalkooda iyo doorka ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo. Wasiir Dhaay ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey dadaalka iyo kartida ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Shiinaha, isaga oo xusay inay yihiin safiiro matalaya Dalkooda, kuna leh door muhiim ah horumarka dalka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Intii uu ku sugnaa magaalada Changsha, Wasiirku waxa uu booqday Akadeemiyadda Taariikhiga ah ee Yuelu, oo ah xarun aqooneed oo fac weyn leh, kana mid ah meelaha ugu caansan ee lagu kaydiyo taariikhda iyo aqoonta dalka Shiinaha, muddo ka badan kun sano. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Machadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Hunan (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka cilmiyeed, dhaqameed, iyo mid istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

Booqashada Wasiirka ee magaalada Changsha ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya garab istaagga ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dibadda, iyo sidoo kale horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Previous Post

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post

Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Next Post
Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In