Wednesday, November 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirri gelinta Maalgashiga  Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalan  Cumar Hadliye iyo  Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait iyagoo kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin hanaanka ay u shaqeeyaan shaqaalaha jaaliyadda iyo doorka ay ku leeyihiin wax u qabashada Soomaalida ku nool Waddankaas.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait Cabduqaadir Amniin ayaa warbixin ka siiyay Wafdiga Wasiirka  xaaladda ay ku shaqeyso safaaradda isagoo sheegay in si dar-dar leh ay ku shaqeeyaan Howlwadeennada Safaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025

Dhanka kale Wasiir Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la kulmay Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait oo uu warbixin kaga dhageystay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Kuwait Mr.Axmed Maxamed Axmed (Khumeyni).

Ugu Dambeyntii Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb galay kulan ballaaran oo lagu weydiinayay Xaaladda wadanka halka uu marayo kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Kuwait.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirri gelinta Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye iyo Wafdigiisa ayaa ka soo Amba baxay Waddanka Kuwait kaddib markii ay soo dhameysteen Howlihii shaqo ay u joogeen Waddankaas.

Previous Post

Beydhabo: Wajigii labaad ee shirka Dastuurka looga hadlayo oo socda

Next Post

Shir weyn oo looga hadli doono Xoojinta Xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Goor dhow ka furmi doona Talyaaniga

Next Post
Shir weyn oo looga hadli doono Xoojinta Xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Goor dhow ka furmi doona Talyaaniga

Shir weyn oo looga hadli doono Xoojinta Xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Goor dhow ka furmi doona Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In