Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha dibadda oo soo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha dibadda oo soo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kampala+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa soo kormeeray xaaladda Safaaradda ay ku sugan tahay isagoo halkaas soo kormaaray kadibna kulan la qaatay howlwadeenada Safaaradda iyo qaar ka mid ah Waxgaradka, Aqoonyahayka iyo Ardayda wax ka barata dalka Uganda.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Wasiir Cawad ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu tagay soo arkay dhismo cusub iyo dayacyatir ka socday Safaaradda oo lagu dhisayay xafiisyada Waxbarashada, Ganacsiga iyo Warfaafinta oo dhawaan dib u habanayn lagu sameeyay.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cabdiwali Cali Faarax ayaa wasiirka uga warbixiyay isbadalka lagu sameeyay Safaaradda ee dhanka dhismaha iyo dardargalinta u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Uganda, isagoo intaa ku daray in Safaaradda ay dhabarka u dhigatay qarashaadkaas dib u habaynta ah.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa intii uu booqashada ku jiray xariga ka jaray sadaxda xafiis ee dhawaan dacayactirka lagu sameeyay ee kala ah Waxbarashada,Ganacsiga iyo Warfaafinta isagoo tilmaamay wasiirku in xafiisyadaas loogu adeego doono shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka oo sidoo kale kulan kula qaatay gudaha Safaaradda qaar ka socday bulashada inteeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Waxgarad, Aqoonyahan, iyo arday ayaa iyaguna dhankooda amaaneen howlaha Safaaradda iyagoo sheegay in Safaaradda ay shaqo fiican bulshada u hayso diblumaasiyiinta ka shaqeeyana ay yihiin kuwa hufan oo shacabkooda si wanaagsan ugu adeega.

Cabdicasiis Maxamuud Cawad (Sanweyne) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee dagan Kambaala ayaa wasiirka u sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool aysan jirin cabasho ay ka qabaan Safaaradda si dhawna ula shaqeeyaan Safaaradooda oo uu jiro xariir wanaagsan oo safaaradda iyo Jaaliyadda ka dhaxeeya.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahadnaqay Madaxda Safaaradda sida diiran ay howshooda u wadaan isagoona faray diblumaasiyiinta in ay sii laba jibaaraan howlaha safaaradda iyo ka shaqeynta wanaajinta xariirka labada dal.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in bisha May la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo galabta Dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo galabta Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo galabta Dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In