Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sheegay In 10-ka Bishan Muqdisho uu Ka Furmayo Kulan Madaxeedka IGAD.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sheegay In 10-ka Bishan Muqdisho uu Ka Furmayo Kulan Madaxeedka IGAD.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in 10-ka Bishaan aynu ku jirno uu Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmi doono kulan Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Urur Gobaleedka IGAD.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in shirka ay ka soo qeybgali doonaan Madaxweyneyaasha dalalka Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, islamarkaana Dalalka IGAD ay taageereen hormarka iyo Nabadda Soomaaliya

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

”Sanadkii Hore Wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka IGAD ayaa ku kulmay Muqdisho, Waxaa lagu balamay in shirka Madaxda dalalka IGAD uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, Madaxda imaan doonto waxaa kamid ah Madaxweyneyaasha Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya”. Ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Wasiir Hadliye ayaa tallaabadan ku sheegay in ay meesha ka saari doonto Cabsida iyo Madmadoowga ay Kooxaha Argagixisado dooneyso in ay ka abuurto Soomaaliya,isagoo xusay in maata Soomaaliya ay mareyso Marxaladdii ugu dambeysay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, lagana gudbiyo mugdigii iyo cabsidii ka jirtay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay sida Urur gobaleedka IGAD uu u garab istaagay Soomaaliya iyo dadaalka ay mar walba ugu jiraan daganaashaha iyo hormarka Soomaaliya.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In