Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa China Magaalada Beijin.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa China Magaalada Beijin.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beijing, June 23 , 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka. Waxa uu tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda “Qorshaha Horumarinta Qaranka. ”

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

Previous Post

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay+Sawirro

Next Post

Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday”Sawirro”

Next Post
Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday”Sawirro”

Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday”Sawirro”

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In