Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay Shir Madaxeedka Carbeed ee Tunisia

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay Shir Madaxeedka Carbeed ee Tunisia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo matalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeediyay shir madaxeedkaka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia.

Wasiir Cawad oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa ka warbixiyay horumarrada iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya.

Waxa uu wasiirku sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumarro wax ku ool ah oo muuqda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, Federaalka, Dib u heshiisiinta, Dib u eegista Dastuurka, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta kaalinta haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo u sameysay shaqo abuur maadaama ay qeyb weyn ka yihiin bulshada Soomaaliya.

Danire Axmed Ciise Cawad ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta in ay dar-dar geliyaan dhammaan go’aannadii  iyo arrimihii Soomaaliya khuseeyay ee horay loo gaaray, si ay Soomaaliya ugu guuleysato dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Waxaan ka codsaneynaa walaalaheenna carabta in la fuliyo go’aannadii Soomaaliya khuseeyay ee lagu qaatay shir madaxeedyadii hore sida: Cafinta deymihii dibadeed ee Soomaaliya lagu lahaa, Taageeridda Miisaaniyadda Dowladda, Dib u dhiska,taageeridda hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo dhowrista  midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbaddiisa Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo la xiriira dalalka carabta sida Falastiin, Liibiya, Suuriya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay in dadka Falastiin helaan xaqooda iyo dowladdooda xorta ah

Dhanka Suuriya waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso midnimada dhuleed ee Suuriya, waxa uuna tilmaamay in buuraleyda Golan Heights ay tahay dhul Suuriya leedahay oo ay xoog ku haysato Israel.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageereyso dadaallada dowladda sharciga ah ee Liibiya ku dooneyso inay nabad ku soo dabbaasho Dalkeeda.

Waxa uu kaloo tilmaamay in dowladda Soomaaliya bogaadineyso dadaalka beesha caalamka iyo Ergayga QM ku doonayaan xal u helista colaadda ka taagan Yemen.

Wasiir Cawad ayaa cambaareeyay Naceybka ka dhanka ah Muslimiinta ( Islamophopia) ee ka socda dalalka galbeedka, waxa uuna ku tilmaamay nooc ka mid ah cunsuriyadda.

Waxa uu ammaan gaar ah u jeediyay dowladda New Zealand sidii ay u maareysay  xasuuqii dad muslimiin ah loogu geystay labo masjid oo ku yaalla dalkaas.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Next Post
Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In