Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay Shir Madaxeedka Carbeed ee Tunisia

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay Shir Madaxeedka Carbeed ee Tunisia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo matalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeediyay shir madaxeedkaka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia.

Wasiir Cawad oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa ka warbixiyay horumarrada iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya.

Waxa uu wasiirku sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumarro wax ku ool ah oo muuqda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, Federaalka, Dib u heshiisiinta, Dib u eegista Dastuurka, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta kaalinta haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo u sameysay shaqo abuur maadaama ay qeyb weyn ka yihiin bulshada Soomaaliya.

Danire Axmed Ciise Cawad ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta in ay dar-dar geliyaan dhammaan goโ€™aannadiiย  iyo arrimihii Soomaaliya khuseeyay ee horay loo gaaray, si ay Soomaaliya ugu guuleysato dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

โ€œWaxaan ka codsaneynaa walaalaheenna carabta in la fuliyo goโ€™aannadii Soomaaliya khuseeyay ee lagu qaatay shir madaxeedyadii hore sida: Cafinta deymihii dibadeed ee Soomaaliya lagu lahaa, Taageeridda Miisaaniyadda Dowladda, Dib u dhiska,taageeridda hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda iyo dhowristaย  midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliyaโ€ ayuu ku yiri khudbaddiisa Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo la xiriira dalalka carabta sida Falastiin, Liibiya, Suuriya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay in dadka Falastiin helaan xaqooda iyo dowladdooda xorta ah

Dhanka Suuriya waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso midnimada dhuleed ee Suuriya, waxa uuna tilmaamay in buuraleyda Golan Heights ay tahay dhul Suuriya leedahay oo ay xoog ku haysato Israel.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageereyso dadaallada dowladda sharciga ah ee Liibiya ku dooneyso inay nabad ku soo dabbaasho Dalkeeda.

Waxa uu kaloo tilmaamay in dowladda Soomaaliya bogaadineyso dadaalka beesha caalamka iyo Ergayga QM ku doonayaan xal u helista colaadda ka taagan Yemen.

Wasiir Cawad ayaa cambaareeyay Naceybka ka dhanka ah Muslimiinta ( Islamophopia) ee ka socda dalalka galbeedka, waxa uuna ku tilmaamay nooc ka mid ah cunsuriyadda.

Waxa uu ammaan gaar ah u jeediyay dowladda New Zealand sidii ay u maareysayย  xasuuqii dad muslimiin ah loogu geystay labo masjid oo ku yaalla dalkaas.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Next Post
Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In