Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse oo booqasho tasmi ah ku tagey magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaas Sergey Lavrov oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga is-qadarinta iyo wax wada qabsiga labada dal.
“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri Wasiir Huruuse.