Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub itoobiya ee Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub  itoobiya ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 25, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Axad ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa carabaabay yididiillada uu ka qabo in Safiirka cusub uu guul ka gaaro howlaha loogu igmaday Soomaaliya oo faa’iido u ah xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada si looga faa’ideysto fursadaha iskaashi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay wada-tashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa heer caalamiga ah ee ka tarjumaya danta guud.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka sugan ee dalkiisa ee taageeraya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahihiisa dowliga ah, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya iyo hamigiisa ah inuu horumariyo xiriirka dhow iyo howlaha isku duwid ee taabagelinaya danaha labada dal, korna u qaadaya iskaashiga laba geesoodka ah.

Tags: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub itoobiya ee Soomaaliya
Previous Post

Ciidamada Booliska Dawlad Goboleedka Puntland oo soo qabqabtay masoomayaal iyo raashin bisil.

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In