Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo gaaray South Africa”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 11, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo gaaray South Africa”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa gaaray Magaalada Johannseburg ee Dalka K/Afrika si uu ugu qeybgalo Shir madaxeedka 42 aad ee Ururka Midowga Afrika oo sanadkan lagu qabanayo Dalkaasi.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaraha magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkan waxaana uuna ka qeybgalayaa  Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda Qaaradda Afrika kaasoo horudhac u ah Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo sanadkan ay martagalinayso K/Afrika.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar,Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Saxaafadda kula hadlay hoowlka lagu nasto ee Garoonka ayaa sheegay marka laga tago Shirka guud ee Wasiiradaha Arimaha Dibadda ee Afrika inuu la kulmi doono Dhigiisa Dalkan si ay ugu wada hadlaan arimo muhiim u ah labada Dal Soomaaliya iyo K/Afrika oo xiriirkooda wanaagsanyahay,waxa uu yiri”

“Waxaan salaam weyn u diraya Jaaliyadda joogta South Africa mana moogin dhibaatada ay ku wada suganyihiin,waxaan rabnaa inaan dadka Soomaalida la kulano ka tacsiyayno dadkii dhintay Dowladda South Afrika kala hadalno dhibaatada Soomaalida loo geystay waxaa muhiim ah in la ogaado dadka Soomaalida inayna  dad halkaan u soo shaqo tagay  laakin ay yihiin dad dhaqaalaha wax ku kordhinaaya oo lacagtooda galinaya Wadanka South Afrika.

Shirkan ayaa gogol xaar u ah Shir todobaadkan lagu qabanayo Magaalada Johanseburg oo ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaayasha Dalalka Afrika iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qeyb ka noqdo Madaxdaasi.

10507073_10152926033973587_1892489501236443908_o

11334263_10152926034048587_6371419705995217146_o

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay shir golaha wasiirada

Next Post

Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo shir wada_tashi ah u qabatay agaasimayaasha guud ee dalka

Next Post
Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo shir wada_tashi ah u qabatay agaasimayaasha guud ee dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In