Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane , Abshir Cumar Huruuse ayaa booqasho ku tagey xarunta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Safiirka, Qunsulka, la taliyeyaasha, xoghayeyaasha iyo hawl wadeenada kale ee safaaradda, iyagoo warbixin ka siiyey hawlaha ay safaaraddu u hayso muwaadiniinta soomaaliyeed.

Intii uu Wasiirku ku guda jiray booqashada waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata oo safaaradda loogu adeegayey xilligaa iyo kuwo si ku meel gaar ah uga shaqaynayey.

Abshir Cumar, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa madaxda iyo shaqaalaha safaaradda ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka soomaaliyeed u hayaan.

Booqashada uu Wasiirku ku tagay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa ku wehlinayey xoghayaha joogtada ah iyo agaasimaha waaxda carabta iyo hawl wadeenno kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
Previous Post

Horjoogihii u qaabbilsanaa Al-shabaab miinooyinka Gobolka Jubadda hoose oo gacanta lagu soo dhigay.

Next Post

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha AGRF-Summit

Next Post
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha AGRF-Summit

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha AGRF-Summit

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In