Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Ayaa ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In