Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar ukuurgelid ah waxaa ay ugu ambabaxeen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.
Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.
Wafdiga ayaa sidoo kale, kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.