Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas ayaa waxa uu uga hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xaduudaha dalka oo Wasaaradu dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ka hor waxaa uu kulan la qaatay guddi dhawaan Wasaaraddu u xil saartay sidii ay u soo kala saari lahaayeen xubno badan oo araajidooda ay ku doonayaan in ay xubno uga noqdaan guddiyadaas Wasaaradda u soo gudbisay, waxaana uu uga mahadceliyay Wasiirku guddigaas howsha ay soo qabteen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka  ayaa sheegay in guddigaasi uu Wasaaradda ku soo celiyay liiska 27 qof oo ay ka soo xuleen 350 xubnood dad ka badan Wasaaraduna ay u gudbineyso golaha Wasiirada ka dibna ay usii gudbin doonaan Baarlamaanka.

“waxaa jira guddi aanu 21maalin ka hor u saaranay in ay soo kala saaraan araajida mas’uuliyiin 350 ka badan, Wasaarada ayay ku soo celiyeen araajida 27 ruux waa mahadsanyihiin, anaguna waxaan u gudbin doonaa xukuumada kadibna baarlamaanka ayaan u sii gudbineynaa waxaa nalaga rabaa in aan ka dhigno 18 xubnood oo mid 9 ah oo labada guddi” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay halka uu marayo dhismaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud loo dhisayo, waxaana uu Wasiirku sheegay in dad dano gaar ah leh ay warar aan sax ahayn ka sheegeen shirkaas, isla markaana uu shirka meel wanaagsan marayo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadaal ugu jirta dhameeystirka dhismaha dowlad goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda Federaalka ah, waxaana hadda socda qorshe Wasaaraddu ay ku dooneyso in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe.

Previous Post

Shacabka ku nool Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka cabsi qaba fatahaadda webiga Shabeelle

Next Post

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Next Post
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In