Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha hey’adda UN-Habitat ee Afrika Mudane Sylla Oumar.
Kulanka oo ahaa booqasho shaqo ayey mas’uuliyiinta ka wada hadleen; Qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda ee dhanka Dowladaha Hoose, Magaalowga & Maaraynta Barakaca sii kordhaaya, Isbedelka Cimilada iyo sida Dowladaha Hoose uga jawaabi karaan.
Waxaa kale oo kulanka xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Dowladda iyo UN-Habitat iyo Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga iyo dardargelinta dib-u bilowga Mashruucaan muhiim ka u ah dalka oo dhan.