Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odawaa oo sheegay in la soo dhamaystiray dhismaha Maamul-goboleedyada+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Odawaa oo sheegay in la soo dhamaystiray dhismaha Maamul-goboleedyada+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefeshinka Qaranka SNTV ayaa looga hadlay dhismaha Maamul-goboleedyada iyo dadaallada ay arrintaasi ku bixisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu barnaamijka marti ku ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Wasiir Odawaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay dadaalka ay Wasaaraddu u soo gashay hirgelinta nidaamka Federaalka Dalka, isagoo tilmaamay in arrintani ay fududeyn karto inay si fudud u hirgalaan Maamul Goboleedyada, islamarkaana ay fududaato qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya Dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay inay hadda soo dhamaystirmeen dhismaha Maamul-goboleedyada dalka, isagoo si gaar ah u soo qaatay kii ugu dambeeyay oo dhawaan laga hirgaliyay Magaalada jowhay ee Gobolka shabeellada dhexe, kaasoo lagu doortay Madaxweyne iyo ku xigeen iyo Guddoonka Barlamaanka uu yeelanayo Maamul Goboleedka hirshabeelle.

Wasiir Odowaa waxa uu si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen dhagaystayaasha iyo Daawadayaasha Radiyo Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/10/BAR-KULANKA-JIMCAHA21-10-2016-.mp3
Previous Post

Dhageyso: Barnaamij gaar ah oo ku saabsan xusuustii 21-ka Octobar

Next Post

Beesha caalamka oo si weyn u soo dhaweysay maamulka Hirshabeelle

Next Post
Beesha caalamka oo si weyn u soo dhaweysay maamulka Hirshabeelle

Beesha caalamka oo si weyn u soo dhaweysay maamulka Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In