Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo sheegay In Aysan Aqbaleynin Darbiga Kenya Ay Ka Dhiseyso Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 13, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo sheegay In Aysan Aqbaleynin Darbiga Kenya Ay Ka Dhiseyso Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda marnaba aysan aqbali doonin gidaarka la sheegay in xuduuda dalkeena uu la wadaago  Kenya ay ka dhiseyso, taasi uu sheegay in qalad ay tahay.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintani dowlada Kenya Ra’siul wasaaraha uu kala hadlay arrintani laakiin hadda ay soo cusboonaatay, wuxuuna dadka Soomaaliyeed uu u sheegay in Dowladda Soomaaliya mowqifkeeda uu cadyahay marna aysan raali ka eheyn darbigaasi.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

“Dowladda mowifkeeda waa cad yahay, darbigaas ay Kenya rabto inay xuduuda ka dhisto nagalama tashan, mana ogolin, dhowaan Wafdi Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay oo Kenya tagay, anigana aan la socday waa kala hadalnay dowladda Kenya arrintaas, waxay noo sheegeen in aysan jirin”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in markii ay arrintan dib u soo cuboonaatay maalin ka hor uu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka u yeeray Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, isla markaana loo gudbiyay cabasho, ayna ka sugayaan Jawaab.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in darbi ay ka dhisto xuduuda, iyadoo shalay gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka kulan Muqdisho ay ku yeesheen si aad ah ay kaga hadleen qadiyadani.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In