Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland.
Wasiir Fiqi oo ka hadlay Munaasabadda dhagax dhigga ayaa sheegay in dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay muhiim u tahay Dowladnimada, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uu qayb ka yahay Mashruuca cusub ee PROSPERIS.