Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed.
Inta kulankani socday. arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa; Dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhalinyarada.