Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay odoyaasha dhaqanka ee Gobalka Awdal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay odoyaasha dhaqanka ee Gobalka Awdal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, ugaasyo, cuqal, iyo odeyaal kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal kuwaasoo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka Sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Kulanka ayaa odeyaasha  waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Zeylac.

Qaar ka tirsan odeyaasha dhaqanka ee Gobalka Awdal oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga .

Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare ayaa sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odeyaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

Senator Bilaal Idiris Cabdulaahi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay mowqifka Dowladda Federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in kulankan uu qeyb ka yahah dhaqanka Wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada, waxaa uuna bogaadiyay sida shacbaka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taagaysay Zaylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka 21-aad ee XDS oo kormeeray Ciidamo ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Next Post

Saddex ruux oo ku geeriyootay naftii halige isku qarxiyay goob lagu shaahiyeeyo

Next Post
Saddex ruux oo ku geeriyootay naftii halige isku qarxiyay goob lagu shaahiyeeyo

Saddex ruux oo ku geeriyootay naftii halige isku qarxiyay goob lagu shaahiyeeyo

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In