Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo maanta furay Mashruuca Dowlad-kaab

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo maanta furay Mashruuca Dowlad-kaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Cali Yusuf Cali – Xoosh ayaa maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho mashruuca Dowlad-Kaab.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka tirsan Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo saxiibada caalamka.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026

Khudbaddiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday guulihii mashruucii dhammaaday ee JPLG isaga oo sheegay in muddada uu socday 15 sano ah laga hirgeliyey dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamullada dalka sida; Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland halka gobolka Banaadirna uu wax badan ka helay ayna ka faa’ideysteen 46 degmo oo dalka ah, waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa qorshayaasha Magaalooyinka iyo kobcinta dakhliga degmooyinka, dhismaha goobaha lagu qabto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo faya dhawrka., kaabayaasha degmooyinka sida; Wadooyinka, Cisbitaallada, Iskuullada, ceelasha iwm.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay faa’idooyinka mashruucan cusub ee Dowlad-kaab sida;

(1). In saldhig looga dhigo, oo lagu dul shaqeeyo Mashruucii JPLG sida dhameystirka mashaariicdii socotay ee dowladaha hoose.

(2). Dowlad-Kaab waxaa la socda mashaariic cusub oo la fulin doono 5-ta sano ee soo socota.

(3), Dowlad-Kaab inta uu socdo waxaa la ballaarin doonaa degmooyinka iyada oo la tayeyn doona howlaha.

(4). Dowlad Federaalka ah, waxaa ka go’an in Mashruucan Muhiimka ah loo qareemmo, oo dhaqaale loo raadiyo.

(5). Mashruucan Dowlad-Kaab waxaa uu kabi doobaa dhismaha Mashaariic dhismo ee Dowlada Hoose ee soo socda.

Ugu dambeyntii, waxaa uu khudbaddiisa kusoo gabogabeeyey “Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada & Maamulka Gobolka Banaadirna waa ku bogaadinayaa hawlaha ay wadaan waxaana kula dar-daarmayaa inay labo-jibaaraan dadaalkiis si adeegga iyo dowladnimadaba loogu dhoweeyo muwaadiniinta. Aad iyo aad baad u Mahadsan tihiin kulankuna waa inoo furan yahay”.

Previous Post

Safaaradda JFS ee Suudaan oo 31 dhalinyaro ah ka soo daysay xabsiyada dalkaas

Next Post

UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Next Post
UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Somalia Welcomes East African Court of Appeal Decision on EALA Representation

January 20, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia welcomes the decision of the East...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In