Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Awqaafta XFS oo Hey’adda Waqful Kheyraad ka codsaday inay u gurmsdaan dadka Soomaaliyeed ee ay Abaarta saameeysay

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Awqaafta XFS oo Hey’adda Waqful Kheyraad ka codsaday inay u gurmsdaan dadka Soomaaliyeed ee ay Abaarta saameeysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble, oo safar ku jooga magaalada Isparta ee dalka Turkiga ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho waxuu ku faahfaahiyey qorshaha socdaalkooda ee wadankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Isbaarta (Isparta) uu kula kumay madaxda ugu sareysa hey’adda Waqful Kheyraad oo ku dhawaad 50 sano ka shaqeyneysay Acmaasha kheyriga ah ee kaalmeynta dadka tabaaleysan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Wasiir Cumar ayaa sheegay inay madaxda hey’addaas hordhigeen warbixin ku saabsan dhiibaatada ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana ka codsadeen in gargaar deg deg ah ay hey’addu u fidiso dadka iyo duunyada ay gobollada dalkeenna abaarta daran ku heysato.

Dhanka kale Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya waxa uu sheegay inuu booqday Madbacada 2-aad ee ugu weyn caalamka, taas oo daabacda Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Madbacadaas ayaa ku taalla magaalada uu booqashada ku joogo ee Isparta.

Previous Post

Guddoomiye Jacfar oo loo doortay xildhibaan ka tirsan BFS

Next Post

Xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Next Post
Xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In