Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo furay Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo furay Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Soo bandhigidda Istraatiijiyadda Horumarinta Beeraha Soomaaliya ee Shanta Sanno ee soo socota oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa diiarada lagu saaray Arrimaha hor-tabinta u leh wax soo saarka iyo horumarinta Beeraha waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta wasaaradda Beeraha, xubno ka socday Maamul Goboleedyada, qubaro ku xeel dheer arimaha beeraha iyo marti sharaf kale.

Diyaarinta Istaaraatiijiyadan oo muhiim u ah dalka ayaa socotay Lix bilood waxayna soo martay heerarka kala duwan sida uu warbaahinta u Sheegay Agaasimaha Qorsheynta iyo Siyaasada ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Yaasiin Cartan kaas oo ka qeybgalaayasha kulanka ka codsaday inay fikradahooda ku kordhiyaan Istaraatiijiyadan oo muhiimad weyn ugu fadhisa dalka gaar ahaan beeraleyda qeybahooda kala duwan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsinta Qaranka Cabdullaahi Sheekh Cabdicasiis iyo Professor Xuseen Iimaan oo dhankooda ka ha hadlay madasha Ayaa soo jeediyay in xooga la saaro dhaqangelinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha si ay gacan uga geysato kordhinta wax soo saarka dalka iyo ka shaqeynta Sugnaanta Cuntada.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo shirka furay ayaa sheegay inay muhiimadoodu tahay garab-istaagga Beeraleyda iyo sare u qaadida wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaa dhinaca kale xusay inay ka wasaarad ahaan ku howlanyihiin soo nooleynta xaruumihii keydka Cuntada ee uu dalku lahaa si looga gaashaanto abaaraha is daba jooga ah ee dalka kusoo noq noqda oo sameyn weyn ku yeaashay nolosha dad badan.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Daah-furay tababarka awood-dhiska wakiilada   Ciidanka Qaranka

Next Post

Sawirro: Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Next Post
Sawirro: Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Sawirro: Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In