Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay madaxweynaha Khaatumo-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta deeq dawo ah waxaa ay ku wareejisay madaxweynaha maamulka Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galeyr, waxaana wareejinta dawadan goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa wasaaradda caafimaadka ugu mahadceliyay deeqdan dawada ah isagoo sheegay in baahi weyn loogu qabo dawadan deegaanada maamulkaasi isla markaana muddo aad u dheer ugu dambeysay goboladaasi in la gaarsiiyo wax deeq ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada hoos yimaada maamulkiisa ay ka jirto caafimaad daro aad u daran, waxaana mas’uuliyiinta wasaaradda u balan qaaday in dawadan sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka loogu talagalay.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in deeqdan maanta lagu wareejisyay mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ay qeyb ka tahay dawada wasaaradda caafimaadka ay u qeybineyso gobolada dalka.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa maanta korneerey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho iyo dekadda weyn ee Muqdisho, wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Daalo ayaa sheegay in wasaaradu qorsheynayso sidii xarumo lagu hubiyo tayada waxyaabaha dalka la keenayo ka furi doonto goobahaasi.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Xaawo  Xasan Maxamed ayaa tilmaantay in kormeerkan uu qeyb ka yahay qorshaha wasaaradu ay ku dooneyso in la sameeyo siyaasadii lagu hirgelin lahaa sidii shaqaalaha caafimaadka uga howlgali lahaayeen garoonka diyaaradaha iyo dekadda si ay ula socdaan tayada waxyaabaha kala duwan ee dalka la keenayo.

Marwo Xaawo wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qalabkii ay isticmaali lahaayeen shaqaalaha ka howlgali doona garoonka iyo dekadda Muqdisho ay geba gebo u mareyso isla markaana ay la kulmeen maareeyaha iyo ku xigeenkiisa ayna u sheegeen qorshahan.

“Shaqadii aan ku hubin laheyd tayada dawooyinka iyo raashiinka iyo xitaa dadka noo imaanaya caafimaadkooda cudurada ay qabaan oo ay noo keeni karaan iyo kuweena baxaya in la talaalo si aan u qabo shaqadii caafimaad” ayay tiri wasiirka Caafimaadka.

vlcsnap-2015-07-07-14h21m37s76 vlcsnap-2015-07-07-14h21m43s137 vlcsnap-2015-07-07-14h21m49s197 vlcsnap-2015-07-07-14h21m54s238 vlcsnap-2015-07-07-14h21m58s24 vlcsnap-2015-07-07-14h22m42s209  vlcsnap-2015-07-07-14h23m14s21 vlcsnap-2015-07-07-14h23m20s80  vlcsnap-2015-07-07-14h23m37s254    vlcsnap-2015-07-07-14h24m19s156 vlcsnap-2015-07-07-14h24m29s0 vlcsnap-2015-07-07-14h25m14s198 vlcsnap-2015-07-07-14h25m28s81 vlcsnap-2015-07-07-14h26m08s227   vlcsnap-2015-07-07-14h26m43s65  vlcsnap-2015-07-07-14h27m30s14 vlcsnap-2015-07-07-14h27m36s77  vlcsnap-2015-07-07-14h28m07s128 vlcsnap-2015-07-07-14h28m12s178 vlcsnap-2015-07-07-14h28m49s37   vlcsnap-2015-07-07-14h29m42s62 vlcsnap-2015-07-07-14h29m54s181  vlcsnap-2015-07-07-14h30m14s127    vlcsnap-2015-07-07-14h30m53s5 vlcsnap-2015-07-07-14h31m21s26 vlcsnap-2015-07-07-14h31m33s142

Previous Post

Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha-Sawirro

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha-Sawirro

Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha-Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In