Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo goob joog ka ahayd munaasabad ay xilalka kula wareegayeen Agaasimayaal cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo goob joog ka ahayd munaasabad ay xilalka kula wareegayeen Agaasimayaal cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta xilka u kala wareejisay saddex Agaasime Waaxeed oo loo magaacabay Agaasimyaal cusub, kuwaas oo muddadii lasoo dhaafay si kumeel gaar ah u sii ahaa Ku-simayaal Agaasime.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa buuxisay boosas ka banaanaa Wasaaradda, kuwas oo kala ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Howlwadeenmada Caafimaadka (HRH).

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Agaasimayaasha xilka wareejinayay maanta ayaa si iskood ah xilka u baneenyay iyagoo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimayaasha cusub ee la magaacabay:

Mudane Cali Cabdiraxman Cusman:
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud

Mudane Cabdifataax Axmed Maxamed
Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta

Dr Maxamed Xuseen Calasow:
Agaasimaha Waaxda Howlwadeennada Caafimaadka (HRH).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa ugu dambeyntii u mahadcelisay Agaasimayaashii hore iyadoo kuwa cusubna ku boorisay inay xilkooda u gutaan si waafaqsan sharciga iyo nidaamka Wasaaradda u degsan.

Previous Post

Foreign Minister discusses with the Kenyan Ambassador to Somalia the strengthening of bilateral cooperation

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In