Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka  Dawladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed  iyo Wasriika CaafimaadkPuntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke oo galabta markale booqday Cusbitalka Digfeer  isla markaasina xog-waraystay Agaasimaha Guud ee Cusbitalka iyo Dhakhtarka Qalliinka ayaa  si wada jir ah uga warbixiyey  hadallo maalman lagu buun buuninayey baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Hadalladaas  oo ahaa in dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacyo ee u dhexeeyey labada dhinac ee  Puntland iyo Galmudug dhinac kamid ah dhaawacyadoodii dibadda loo qaaday halka dhinici kalena aan dhaawacyadoodii waxba laga qaban.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Subaxnimadii hore ee saaka booqday dhaawacyada jiifa cusbitaalka ayaa ku guuleystey inuu wasiirka caafimaadka Dawladda Federaalka horgeeyo Maamulka Cusbitalka iyo dhakhaatiirta ka hawl gala  oo lagu eedeeyey inaanay u hagar bixin bukaanada jiifa cusbitalka.

Kadib kulan dheer oo is xog waraysi ah oo dhexmaray labada wasiir iyo maamulka Cusbitaalka ayaa maamulka iyo dhakhaatiirtuba kubeeniyeen inaan hadalladaasi waxba kajirin isla mar ahaantaana waxay uga warbixiyeen wasiirka Caasimaadka Dowladda Dhexe iyo Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntaland xaaladda dhabta ah ee bukaanada jiifa Cusbitaalka.

Is xog waraysi badan kadib ayey shir jaraa’id oo ay warfidiyeenka u qabteen waxa ay ku caddeeyeen in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay tahay mid wanaagsan isla markaasina ay hawl wadeenada cusbataalku u heelanyihiin habeen iyo maalinba sidii loo dabiibi lahaa bukaanada jiifa cusbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa meesha ka saaray hadalka oranayaa dhaawacyadii gaalkacyo ayaa lakala faquuqay waxaana uu intaasi raaciyey  labadii dhinac ee iska soo horjeedey markii hore  inay hadda meel wada jiifaan oo meel wax kuwada cunayaan.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay dadka soomaalida ahi isku mid yihiin isla markaasina aanay  waxba kajirin haddalan la buun-buuninayo oo tilmaamaya kala faquuq lagu sameeyey dhaawac yadii Gaalkacyo, iyadoona ugu baaqday dadka hadalladaasi faafinaya in  ay ka waantoobaan waxyaabaha kala fogeynaya ummadda soomaaliyeed.

IMG_6929 IMG_6932 IMG_6941 IMG_6949 IMG_6957 IMG_6966 IMG_6973  IMG_6979 IMG_7003 IMG_7012

 

 

 

 

Previous Post

Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro”

Next Post
Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro”

Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa"Sawirro"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In