Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo soo xirtay shirka Wadatashiga Waasaaradaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedyada oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo soo xirtay shirka Wadatashiga Waasaaradaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedyada oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirka Wadatashiga Wasaaradaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo Wasaaradda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya, kaasi oo ay martigalisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soconayay  saddex maalmood,  waxaana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona horumarin lahaa caafimaadka dalka.

Shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qaybgalay qaar ka mid ah wakiilada wadamada taageera caafimaadka Soomaliya.

Related posts

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaadka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar iyo Wasiiiradda dowlad goboleedyada ka soo qaybgalkooda shirka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go’antahay sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaraadda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo shirka soo xirtay ayaa dhankeeda xustay muhiimadda shirkaan wadatashiga uu u lahaa dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxay dhankeeda uga mahadcelisay dadaalkii iyo garab istaagii ay sameeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo siday ugu fududeeyaan in shirkaani u qabsoomay sidii ugu quruxda badnaa.

Wasiirka aya hoosta ka xariiqday in shirkaan uu ka soo baxay qorshe si wadajir ah loogu hogaamin doono, laguna horumarin doono caafimaadka dalka. waxayna hay’addaha caalamiga ah iyo wadamadada ka taageera caafimaadka Soomaaliya fartay inay ugu danbeeyaan Wasaaraddaha caafimaadka ee dalka ka jira baahiyaha ay soo gudbiyaana ay wax kala qabtaan.

Ugu danbeyn waxay sheegtay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono Jubballand uuna martigaliyay Wasiirka caafimaadka Jubballand.

Previous Post

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal oo la kulmay Musharax Xasan Cali Kheyre “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo qabatay Kulan looga hadlayay waxbarashada xaaladaha deg deggga ah

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo qabatay Kulan looga hadlayay waxbarashada xaaladaha deg deggga ah

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo qabatay Kulan looga hadlayay waxbarashada xaaladaha deg deggga ah

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In