Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid ku wareejiyay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid ku wareejiyay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah isla markaana loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Jubbaland.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeenna.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Jubbaland Eng Ismaaciil Axmed Garras ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Jubbaland si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In