Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 9, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Dr. Sheekh Mohamed Bin Abdullah Al-khaliifa iyo wasiirada Caafimaadka Baxreyn Dr. Jaliila Bint Al-sayid Jawad.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Baxreyn kaalinta ay ka qaateen horumarinta Caafimaadka Soomaaliya asaga oo ku adkeeyay in ay sii labo jibaaraan dadaalada ay ku garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee ay ku bixinayaan horumarinta qeybta guud ee Caafimaadka dalkeena.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Wasiirka ayaa kala hadley Madaxda Wasaarada Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn in ay gacan ka geystaan gurmadka dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen fatahaadaha ka dhashay roobabka El-nino, wuxuu sidoo kale ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Tayeynta iyo horumarinta Hey’adaha Qaran ee maareeynta dawada iyo mihnadlayaasha Caafimaad.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Baxreyn ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam booqashada uu ku yimid dalkooda waxayna balan qaadeen in ay xoojinayaan xiriirka labada wasaaradood islamarkaana ay ka taageeri doonaan dhisidda nidaamyada Caafimaad ee casriga ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha dib-u-heshiisiinta

Next Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In