Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire <span;>İbrahim Mete YAĞLI, iyo agaasimaha Isbitaalka Associate Prof Dr. Mevlüt KARATAŞ, <span;>ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha shaqo ee Isbitaalka digfeer, iyagoo isla soo hadal qaaday sidii Dowladda Turkiga Soomaaliya uga caawin laheyd xoojinta iyo kor u qaadista adeegga Caafimaadka, gaar ahaan inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intaasi kadib Wasiirka iyo Safiirka ayaa booqasho ugu tagey dhaawacyada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad lala tacaalayo, waxayna mid mid u dul istaageen dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka ayaa Safiirka kala hadlay in Dowladooda ka taageerto daawada maadaama Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta oo in mudo ah dhibaato ku hayey Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhawan goobaha ay gacanta ku hayeen.

Safiirka ayaa ballan qaadey in dowladdooda ay ka qeyb qaadan doonto Ololaha lagu baabi’inayo cadowga, gaar ahaan arrimaha Caafimaadka iyo sidii Ciidamada Dowladda u heli lahaayeen baxnaano fiican, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeyn doonaan gurmadka Caafimaadka markasta iyo inta uu socdo dagaalka Cadowga.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.











Previous Post

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday habraaca wax ka bedelka dastuurka KMG ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay in Guddi loo saari doona dabkii xalay ka kacay Suuqa Jowhar

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay in Guddi loo saari doona dabkii xalay ka kacay Suuqa Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay in Guddi loo saari doona dabkii xalay ka kacay Suuqa Jowhar

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In