Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay Agaasimaha gurmadka deg degga ah ee xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaahira, kaasi oo uu la wadaagay hormarada laga sameeyay guud ahaan adeeg bixinta Caafimaadka, diyaar garowga iyo ka jawaabista gurmadka deg degga ah si gaar ah Abaaraha, daadadka, cudurada faafa iyo gaarsiinta gurmad Caafimaad oo deg degg ah meelaha laga xoreeyey Khawaarijta.

Wasiirka ayaa tibaaxay dhinaca kale horumarka laga sameeyey habka helidda xogta cudurada faafa, ( IDSRS) iyo hirgelinta  xarunta gurmadka deg degga ee Caafimaadka guud (PHEOC).

Related posts

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026

Wafdiga ayaa bogaadiyay sida ay Wasaaradda Caafimaadka horumar balaaran uga gaartay arrimaha adeeg bixinta iyo u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladdaha deg degga ee dhanka Caafimaadka, iyagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageeridda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladeeda ku aadan diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladda deg degga ah ee Caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Previous Post

Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka BJFS oo ka shiray dardargelinta qorshaha horyaala “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Arrimaha Dibadda Labada Gole ee BJFS oo kulan wada jir ah yeeehay “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Arrimaha Dibadda Labada Gole ee BJFS oo kulan wada jir ah yeeehay “SAWIRRO”

Guddiga Arrimaha Dibadda Labada Gole ee BJFS oo kulan wada jir ah yeeehay "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar muhiim ah u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO(DIINSOOR):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In