Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Dastuurka iyo Diinta ee Jubbaland Aaden Aw-hirsi  oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay soo abaabushay hay’adda Somali American Leadership Council ,waxa uu ahmiyad u alahaa kasoo qeybglayaal badan oo xog ka rabay in ay ka helaan deegaankaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen dad u badan ganacsato iyo siyaasiyiin waxaa diiradda lagu saaray arimaha Horumarka iyo isbadalka ka jira dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bixiyay xogwareysi aad u dheer oo dhinacyo badna taabanaya, waxa uuna muujiyay sida wali loo sugayo doorka qurba joogta iyo sidii ay dalka dib ugu laaban lahayeen.

Dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada, iyo arimaha qaxootiga la soo celiyay ayuu si weyn uga waramay waxayna dhamaan xogahan bixinayeen tusaalooyin sababaya in qurba joog badan ay ku dhiiradaan in ay dalka dib ugu laabtaan.

Aw-hirsi ayaa dhanka kale xusay sida wali ay gaabiska u yihiin arimaha la xariira xoreynta gobolka Jubbada Dhexe  iyo deegaanano kale sbabo la xariira diyaargarow qaatay mudo.

Wasiirka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday halka ay marayaan arimihii dib u heshiisiinta oo qabyo noqday dadbadan ka dhursugayaan, waxa uuna sheegay in ay wali jiraan isbadalo laga dhursugayo balse aan la laalin wada hadaladii oo ay sii socon doonaan.

Qeybihii kala duwanaa ee ka hadlay kulankan waxa ay sheegeen sida lagama maarmaan ay utahay in lagu laabto dalka lana taageero isbadalka jira, waxay baaq iyo codsi u direen Baarlamanka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in gacantooda ay ku jirto Mustaqbalkii Soomaaliya lagana sugayo in ay Taariikh qoranta sameyaan oo ay jilasha danbe dhaxlaan.

Waa markii ugu horeysay oo Wasiir ka socda Jubbaland uu yimaado Ohio tan iyo intii dhidibada loo taagay.

 

IMG_1293 IMG_1295 IMG_1310 IMG_1312 IMG_1349 IMG_1376 IMG_1387 IMG_1395 IMG_1397 IMG_1407 IMG_1428 IMG_1444 IMG_1450

Deeqo Shire SONNA

 

Previous Post

Munaasabad Lagu taagyeeraayey Gudoonka Cusub ee Baarlamanka Dawlada Soomaaliya ayaa kadhacadey Magaalada baydhabo ee Xaruunta G/baay.

Next Post

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Next Post
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025
0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

November 24, 2025
0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In