Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka cadaaladda XFS ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar, wasiirka ayaana kulankaan ku casuumay culimada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay arrimo la xiriira horumarinta cadaalada iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen.

Kulanku waxaa uu daba socday kulamo horay wasiirka cadaaladu ula qaatay culimada iyo booqasho culimada iyo wasiirka oo wada socdaa ay ku tageen xabsiyada qaar sida xabsiga dhexe, waxaa maanta aad looga hadlay sida loogu baahan yahay in maxaabiista ay helaan cadaalad isla markaana xal loo helo maxaabiista xabsiga dhexe ugu xiran dambiyo yar yar oo iyagana dhib ku ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dood dheer iyo wada hadal ka dib markii kulanku soo idlaaday ayaa warbaahinta qaranka waxaa ay weydiisay, Sheekh Cali wajiis xoghayaha guud ee majmaca culimada Soomaaliyeed qodobadii laga hadlay iyo go’aanadii soo baxay.

“Waxaa uu ahaa kulan muhiim ah waxaan ka wada hadalnay wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale in dib u eegis lagu sameeyo  maxaabiista xabsiyada ku jirtay in cadaalad ay helaan sidii diinta islaamku qabtay in ay jiraan maxaabiista qaar oo waqtigooda dhameystay hadana iska sii xiran hadii wax ka jiraan arimahaas ayaan isla soo qaadnay,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisu is dultaagay muhiimada shirka iyo waxyaabihii laga dooday iyo sidoo kale, dadaalka wasaaradu ugu jirto xoojinta hay’adaha cadaaladda dalka.

“Waxaa sharaf u ah wasaaradda inay kulan muhiim ah oo looga hadlayay sare u qaadistay iyo tayeynta hay’adaha cadaaladda la qaadatay culimada Soomaaliyeed runtii wuxuu ahaa kulan muhiim ah oo aan kaga hadalnay in maxaabiistu helaan garsoor hufan isla markaana xabsiga cusub ee hadda la dhameestiray uu shaqeeyo wax badan oo aan ka hadalnay waan isla garanay horay ayaan sidaan oo kale kulamo uga yeelanay arimahaan cadaalada la xiriira,” ayuu yiri wasiirka.

Previous Post

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro

Next Post

Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Next Post
Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Hoggaanka Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Danjire Nicholos Haysom

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In