Tababarkaan oo socon doona labo maalin ayaa maanta waxaa ka furay magaalada Muqdisho Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.
Wuxuu ku saabsan yahay habka qorista shuruucda iyadoo ay ka qayb galayaan xubno matalaya qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda sida Wasaaradda Arrimaha gudaha ,Amniga, Dastuurka sidoo kale Maxkamadaha iyo xafiiska xeer ilaalinta iyo sidoo kale Jaamacadaha qaar ayaa ka qayb galaya barnaamijkanlabada maalin ka soconaya magaalada Muqdisho.
Dr Xasan Jaamici oo dhawaan ka yimid Dalka Mareykanka ayaa ka mid ah qubarada dhanka sharciga ee bixinaya Tababarka mas,uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ayaana sheegay in Barnaamijkaanu muhiimad weyn u leeyahay bahda garsoorka.
Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo tababarka furay ayaa faah faahiyay muhiimadiisa iyo qaabka uu u dhici doono.
โTan iyo markii la ii magacaabay xilka wasiirka Cadaaladda waxaan dadaal dheer u galay sidii loo hormarin lahaa waaxda qorista Shuruucda oo ah waax muhiim ah tababarkaani qorshahaas ayuu qayb ka yahay waana naga goโantahay waxaan idinkula talinayaa inaad ka faa,iideysataan labada maalin ee uu socdoโayuu yiri Wasiirka.