Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkga u fadhiya Soomaaliya Amb: Mehmet Yilmaz.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa markii uu xafiiska ku soo dhoweeyay safiirka waxaa uu tusay oo uu uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda, sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee Wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo ee bulshada loo hayo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankoodu sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Turkigu wasaaradda uga gacan sii lahayd sare u qaadista horumarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegis  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso,waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle+Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In