Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 14, 2015
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Dr. Cabdisalaam Cumar Hadliye oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada arrimaha dibadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul ku-xigeen ahna ku-simaha Ra’iisul dalka, Waziirkii hore ee arimaha dibada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, safiiro, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha joogtada ee wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay la shaqeyn doonaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya mudane Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii u xilka hayay ayaa ku dheeraaday arrimo badan sida qalabeynta Wasaaradda iyo tayeynta shaqaalaha, tababarida diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda, dhameystirka heshiisyo qabyo ahaa oo ku saabsan horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, qorshaha lagu dhisayo guri ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo safiirada ee laga dhex dhisi doono xarunta Wasaarada arrimaha dibadda, heshiisyo lagu dayactirayo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka kuwooda dib u dayactirka u baahan, hirgelinta qorshe wax barasho lacag la’aan ah oo loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda uu ugu baaqay Wasiirka cusub ee arrimaha dibada Soomaaliya inuu ka faa’iideysto fursado badan oo Wazaaradu ayuu heysato oo ay jiraan dalal badan oo u diyaar ah in ay caawiyaan Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Dr C/salaan Cumar Hadliye ayaa u mahad celiyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo balan qaaday in howsha uu halkeeda kasii wadi doono, wada shaqeyn buuxdana uu la yeelan doono dhamaan shaqaaalaha Wasaaradda.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul wasaaraaha dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kula dar daarmay Wasiirka cusub in uu shaqada halkiisa ka sii wato oo uu xoojiyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.

xil1

xil2

xil3

xil4

xil5

xil6

xil7

xil8

xil9

xil10

Previous Post

MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo xilka la wareegtay

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Wasiirka Caafimaadka oo xilka la wareegtay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In