Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka oo xilka la wareegay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka oo xilka la wareegay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaraddaasi, waxaana munaasabadaan goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar).

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo wasiir kuxigeenkiisii Xuseen Jimcaale oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Avv. C/raxmaan Xoosh oo ahaa Wasiirkii abuuray Dastuurkan maanta ee looga baxay Kumeel gaarnimada, waxa uuna xusay inuu ku kalsoon yahay inuu dhameystiro Dastuurka, una diyaariyo dalka sidii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay hogaankii hore ee Wasaaradda Dastuurka, isaga oo ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay soo qabteen mudadii labada sano ee ay xilka hayeen.

“Wasaaradda Dastuurka waa Wasaarad muhiimad gaar ah u leh qorshe howleedka xukuumada, waxaana xooga saari doonaa la tashiga habka ugu haboon ee dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Dastuurka Avv. Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradiisu ay tixgelin doonto talooyinka muwaadinka, khubarada Soomaaliyeed, ayna gaarsiin doonaan tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah aragti uruurinta, si loo helo Dastuur loo wada dhan yahay oo ku dhisan talo Qaran.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Axmed Guuleed oo munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada Wasaarada Dastuurka, isaga oo carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu weyn ee hortaala ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadweyne.

Previous Post

Sawiro:Soomaalida Ku dhaqan Mareykanka oo ku guuleystay Dhameystirka lacag lagu lahaa Masjid ay dhisanayeen.

Next Post

Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Next Post
Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In