Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka oo xilka la wareegay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka oo xilka la wareegay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaraddaasi, waxaana munaasabadaan goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar).

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo wasiir kuxigeenkiisii Xuseen Jimcaale oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Avv. C/raxmaan Xoosh oo ahaa Wasiirkii abuuray Dastuurkan maanta ee looga baxay Kumeel gaarnimada, waxa uuna xusay inuu ku kalsoon yahay inuu dhameystiro Dastuurka, una diyaariyo dalka sidii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay hogaankii hore ee Wasaaradda Dastuurka, isaga oo ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay soo qabteen mudadii labada sano ee ay xilka hayeen.

“Wasaaradda Dastuurka waa Wasaarad muhiimad gaar ah u leh qorshe howleedka xukuumada, waxaana xooga saari doonaa la tashiga habka ugu haboon ee dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Dastuurka Avv. Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradiisu ay tixgelin doonto talooyinka muwaadinka, khubarada Soomaaliyeed, ayna gaarsiin doonaan tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah aragti uruurinta, si loo helo Dastuur loo wada dhan yahay oo ku dhisan talo Qaran.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Axmed Guuleed oo munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada Wasaarada Dastuurka, isaga oo carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu weyn ee hortaala ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadweyne.

Previous Post

Sawiro:Soomaalida Ku dhaqan Mareykanka oo ku guuleystay Dhameystirka lacag lagu lahaa Masjid ay dhisanayeen.

Next Post

Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Next Post
Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

January 22, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In