Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sadexda bilood ee soo socota, kadib markii wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu mudaniyaasha golaha ka codsaday in ay fursad u siiyaan si uu u keeno xisaab celinta miisaaniyadda sanadkii tagay isla markaana muddo sadedx bilood ah la siiyo.

Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo hareerahiisana ay fadhiyeen labadiisa kuxigeen ayaa waxaa ugu horeyn loo qeybiyay Xildhibaanada nuqulo ka mid ah miisaaniyada dowladda iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada dowladda.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Xubnaha golaha shacabka ayaa soo jeedinta wasiirka kadib halkaas ka hadlay ayaa waxaa ay ka doodeen sida miisaaniyaddan, waxayna inta badan xildhibaanadii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin in wasiirka cusub fursad loo siiyo si uu u soo diyaariyo miisaaniyad la jaan go’an baahida dowladda isla markaana mugdi ku jirin.

Doodaas kadib gudoonka ayaa cod geliyay miisaaniyadda , iyadoo 141 mudane oo hoolka fadhiyay ay aqbaleed miisaaniyadda sadexda bilood ah oo wasaaradda maaliyadda ay codsatay.

Gudoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in sadexda bilood ee soo socota dowladdu ay adeegsan karto miisaaniyaddan isla markaana wasaaradda maaliyadda laga doonayo in ay keento xisaab xirka miisaaniyada sanadaha 2015,2016-2017.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda dowladda ee  sanadkan 2017 waa US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo todobo milyan , Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar Dollar).

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in miisaaniyaddan 60% ay ka imaaneyso dhakhliga gudaha ka soo xarooda iyadoo inta kale ay tahay kaalmooyin dowladdu ka hesho saaxiibadeeda caalamka.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka oo xilka la wareegay-Sawirro

Next Post

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaadiid loogu deeqay-Sawirro

Next Post
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaadiid loogu deeqay-Sawirro

Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaadiid loogu deeqay-Sawirro

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In