Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo dhigiisa Dalka uganda oo kala saxiixday heshiis

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 9, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo dhigiisa Dalka uganda oo kala saxiixday heshiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibriil Abdirashid Hagi Abdi oo qeyb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Uganda, ayaa isaga iyo dhiggiisa dalkaas Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashatooyinka, Hon. Mwebesa Francis, waxay si rasmi ah u saxiixdeen heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Uganda kaas oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Heshiiskan is-af-garad, ayaa kor-u-qaadaya xidhiidhka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyada oo sidoo kale na uu abuuraayo maalgashi iyo shaqo abuur labada dhinac ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Sidoo kale, wuxu heshiiskani taaban doonaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, badda, xoolaha iyo warshadaha intaba, Iyada oo sidoo kalena ay Soomaaliya ay noqon doonto marin ay dawladda Uganda u marto dhaq-dhaqaaqyadeed ganacsi ee wadamada Yamen, Itoobiya, Jabuuti iyo weli ba dalka Hindia iyo guud ahaan wadamada bariga dhexe iyo kuwa Aasiya. Sidoo kale, taa beddelkeeda waxay Soomaaliya na ka faa’idaysan doontaa fursadaha ganacsi ee wadamada ku teedsan Great Lakes Region iyo weli ba bariga iyo badhtamadaha wadamada Afrika.

Soomaaliya iyo Uganda, ayaa ka wada tirsan ururadda iskaashiga Ganacsi ee gobolka Sida IGAD, COMESA , African Continental Free Trad Agreement, waxaana heshiiskani uu mar kale kor u qaadi doonaa fududeynta ganacsiga labada dal iyo is-dhex-galka dhinacyada dhaqaalaha iyo maal-gashiga intaba.

Previous Post

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Next Post

Guddoomiyaha gobolka mudug oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda UNHCR.

Next Post
Guddoomiyaha gobolka mudug oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda UNHCR.

Guddoomiyaha gobolka mudug oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda UNHCR.

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In