Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dasuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee dalka uu meel wanaagsan marayo,  isla markaana uu ku rajo weynyahay in dhawaan la soo gabo gabeyn doono.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastuurka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka, kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen, 30-ka bisha Maarsana guud ahaan la soo gabo gabeyn doono.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Waxaan balan qaadeynaa in 30-ka Maarso ee sanadka cusub dastuurka la soo gabo gabeyn doono oo aan baarlamaanka horgeyn doono, si ay ugu codeeyaan, howsha dib u eegista meel wanaagsan ayay mareysaa, Wasaaradda dastuurka, baarlamaanka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, wada shaqeyn ayaa ka dhexeysa” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka marka dib u eegis lagu sameeyo ay go’aanka ugu dambeysa leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in marka la gaaro xilliga ugu haboon loo qaadi doono Afti dadweyne, inta ka horeysana ay sii joogteyn doonaan la tashada ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo cutubyo ka tirsan dastuurka.

Shalay ahayd markii Guddiga Madaxa banaan ee dastuurka ay Guddiga baarlamaanka ee dastuurka u qaabilsan ku wareejiyeen labo cutub oo ay wax ka badal ku soo sameeyeen, kuwaasi oo kala ahaa cutuyada koowaad iyo afaraad, iyagoo guddiga lagu wareejiyay cutubyo kale oo kala ah 1aad, 3aad iyo shanaad si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan.

 

 

Previous Post

Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Maareeye “Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay”

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”

Wasiir Maareeye "Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In