Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dasuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee dalka uu meel wanaagsan marayo,  isla markaana uu ku rajo weynyahay in dhawaan la soo gabo gabeyn doono.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastuurka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka, kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen, 30-ka bisha Maarsana guud ahaan la soo gabo gabeyn doono.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Waxaan balan qaadeynaa in 30-ka Maarso ee sanadka cusub dastuurka la soo gabo gabeyn doono oo aan baarlamaanka horgeyn doono, si ay ugu codeeyaan, howsha dib u eegista meel wanaagsan ayay mareysaa, Wasaaradda dastuurka, baarlamaanka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, wada shaqeyn ayaa ka dhexeysa” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka marka dib u eegis lagu sameeyo ay go’aanka ugu dambeysa leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in marka la gaaro xilliga ugu haboon loo qaadi doono Afti dadweyne, inta ka horeysana ay sii joogteyn doonaan la tashada ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo cutubyo ka tirsan dastuurka.

Shalay ahayd markii Guddiga Madaxa banaan ee dastuurka ay Guddiga baarlamaanka ee dastuurka u qaabilsan ku wareejiyeen labo cutub oo ay wax ka badal ku soo sameeyeen, kuwaasi oo kala ahaa cutuyada koowaad iyo afaraad, iyagoo guddiga lagu wareejiyay cutubyo kale oo kala ah 1aad, 3aad iyo shanaad si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan.

 

 

Previous Post

Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Maareeye “Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay”

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”

Wasiir Maareeye "Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In