Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii dhisme casri ah loogu bilaabi lahaa Dekadda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa yimid markii quburo ka socotay shirkad dhismaha ka shaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka Shiinaha oo todobaadkan ku sugnaa deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug, isla markaana kormeeray Dekada qadiimiga ah ee Hobyo, dhismaha wadooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo laga bilaabay ee la doonayo in Hobyo la geeyo, kuwaasi oo dib ugu laabtay Cadaado.

Related posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026

Shirka ayaa waxaa warbixino looga dhageysayay xubno la socday quburada ajaaniibta ah, kuwaasi macluumaadkii kormeerka lagu soo aruuriyay la wadaagayay mas’uuliyiinta kale, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in mashaariicdaasi sahanka loo samaynayo lagu guulaysto.

Khuwan Ju oo madax u ah shirkadda sahanka samaynaysay ayaa sheegay in macluumaadka ay soo ogaadeen uu muujinayo kalsooni lagu howlgali karo.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee dawlad goboleedka Galmudug Axmed Ilkacase ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo maamulka iyo bulshaduba ka faa’iideysato.

Galmudug ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Dekada degmada Hobyo ee gobolka Mudug, taas oo loo arko inay noqon karto isha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee deegaanka.

DSC00032 DSC00035 DSC00037 DSC00038 DSC00040 DSC00041 DSC00045 DSC00047 DSC00050 DSC00054 DSC00059 DSC00065 DSC00067

Previous Post

Hooyo dhashay saddex mataanno ah oo codsatay in gurmad loo fidiyo “Dhageyso

Next Post

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In